Monday, March 24, 2025

Mareykanka oo Magdhow siinaya Qoys uu 10 Qof ka dilay oo Reer Afghanistan ah (Sidee loo kashifay?)

Dowladda Mareykanka ayaa ugu danbeyn ogolaatay inay bixiso magdhow dad shacab ah oo ay ku leysay weerar Diyaarad Drone ah oo ka dhacay magaalada Kabul

Wasaaradda Difaaca Mareykanka ayaa cadaadis dheer kadib shaacisay inay ogolaatay bixinta magdhaw ay siineyso qaraabada 10 qof oo lagu dilay weerar diyaarad Drone ah si khalad ah loogu laayey dad shacab ah magaalada Kabul ee dalka Afghanistan, bishii August 2021.

Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Waaxda Difaaca ay sidoo kale la shaqeyneyso Waaxda Arrimaha Dibadda si ay gacan uga geysato in Mareykanka la dejiyo xubnaha qoysaskan ee ka badbaaday duqeynta.

Ad

Arrintan ayaa timid markii qoyska xaquuqa la kulmay uu sheegay inaan wax xiriir ah lala sameyn tan iyo intii ay la shaaciyey baaritaankii duqeynta oo soo bandhigay sida duqeyntu u dhacday.

Kirby wuxuu sheegay in arrintani ay ka dhalatay kulan Khamiistii dhex maray Dr. Colin Kahl, oo ah ku xigeenka xoghayaha difaaca ee dhinaca siyaasadda iyo guddoomiyaha hay’adda caalamiga ah ee Nafaqada & Waxbarashada Dr. Steven Kwon.

“Dr. Kahl wuxuu ku celiyay ballanqaadkii Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ee qoysaskan, oo ay ku jirto bixinta lacag magdhaw ah,” ayuu yiri Kirby. Afhayeenka Pentagon-ka John Kirby, ma aanu sheegin inta ay dhantahay lacagta la siindoono qoysaskan.

- Advertisement -

29 -kii bishii Agoosto, ayaa gantaalka Mareykanka ee Hellfire wuxuu ku dhacay Guri ku dhow garoonka magaalada Kaabul, waxaana lagu beegsaday baabuur uu waday Zemerai Ahmadi, oo ahaa shaqaale hay’ad samafal oo Mareykanku markii hore ku sheegeen xubin ka tirsan Daacish oo weerar qorsheynayey, waxaana duqeyntan ku dhintay guud ahaan 10 xubnood oo qoyskan ka mid ah oo ay ku jiraan toddoba carruur ah.

Kiiskan waxaa baaritaan culus oo ay sameeyeen ku kashifay Suxufiyiin ka tirsan Wargeyska caanka ah ee New York Times, waxaana Wasaaradda difaaca Mareykanka qasab ku noqotay inay qirato khaladka lagu laayay qoyskaasi oo gantaalku ku dhacay xilli ay biyo u raadiyeen magaalada.

Lacagta Mareykanku ka bixiyo dadka ay milaterigiisyu dileen ayaa aad u kala duwaneyd sanadihii la soo dhaafay. Sanadkii 2019 yaa la sheegay in Pentagon -ku uu bixiyay 71 magdhowl mid waliba u dhexeysay $ 131 illaa $ 35,000 , iyadoo la siiyey qoysas dad looga dilay dalalka Afghanistan iyo Ciraaq.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON