Thursday, February 13, 2025

Mareykanka oo Madaxweyne Xasan Sheekh gaarsiiyay Dalab ku saabsan Xafiiska UNSOM

Dowladda Mareykanka ayaa ka dalbatay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud inay sii socoto shaqada Xafiiska Siyaasadda Qaramada Midoobay ee Somaliya ee UNSOM.

Arrintan ayaa timid kadib xiriir khadka telephone-ka kudhex maray Xasan Sheekh iyo Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee dalka Mareykanka Antony Blinken oo looga wadahadley xiriirka labada dal.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wasiirka Arrimaha Dibadda Mareykanka ayaa wadahadalladooda diiradda ku saaray arrimo ay ka mid yihiin la-dagaalanka kooxaha argagixisada iyo qorshayaasha Dowladda Soomaaliya ee howgalka Midowga Afrika ee ATMIS marka uu dhammaado kadib” ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Ad

Dhinaca kale War kasoo baxay Waaxada Arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka Antony J. Blinken uu la hadlay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayna ka wada hadleen danaha amni ee Geeska Afrika oo ay wadaagaan, sida baahida loo qabo in la yareeyo xiisadaha gobolka, in diiradda la saaro ujeedooyinka la dagaallanka argagixisada, iyo dhameystirka qorshaha howlgalka beddelka ee Midowga Afrika Hawlgalka Soomaaliya (ATMIS).

“Waxa ay sidoo kale ka wada hadleen sii socoshada doorka muhiimka ah ee Howlgalka Kaalmeynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya”. ayaa ka mida ahaa qoraalka Wasaaradda Arrimaha dibadda Mareykanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON