Mareykanka ayaa sii kordhiyay duqeynta uu ku hayo dalka Yeman, isagoo xalay Gantaallo laga riday Markabka dagaal ee USS Carney ku duqeeyay xarun ciidan oo ku taalla magaalada Cadan.
Duqeynta Mareykanka ayaa lagu difaacayaa Yuhuudda, kadib markii Xuuthiyiinta Yeman ee raacsan Iiraan ay Badda cas ka fuliyeen weerarro ay ku beegsaday Maraakiibta ku socota Israa’iil, iyagoo dalbaday in Yuhuudda. ay joojiso dagaalka iyo go’doominta ay ku heyso Marinka Gaza.
Xuuthiyiinta Yeman ayaa sheegay in la duqeeyay saldhiga ciidamad Al-dailami ee ku yaalla magaalada Sanca, kaasoo ah xarun ciidan iyo saldhig ay yaaleen Qalab milatari. Duqeyntii hore Jimcaha ayaa waxaa ku dhintay 5 dagaalyahan oo Xuuthiyiin ah.
Dhinaca kale Laba askari oo ka tirsan ciidamada badda Mareykanka ayaa lagu waayey Badda Soomaaliya oo ku dhow xeebaha xilli ay ku jireen howlgal aan la faahfaahin, waxaana sidaasi shaaciyay Taliska dhexe ee Ciidamada Mareykanka.
Howlgal lagu baadi goobayo labada askari ee lagu waayey Badda Soomaaliya ayaa socda, lamana faahfaahin waxa uu ahaa howlgalka ay ku jireen askartaasi oo saarnaa Markab dagaal.
Mareykanka ayaa labadii bilood ee lasoo dhaafay maraakiib badan ka howlgaliyay badda cas iyo gacanka cadmeed kadib weerarada joogtada ah ee ciidamada Xuutiyiinta Yemen ay ka wadaan dalka Yemen oo bilowday 17-kii October.