Waxaa isa soo taraya digniin amni oo ku saabsan weerarro argagaxiso oo laga cabsi qabo inay ka dhacaan magaalada Muqdisho, gaar ahaan Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.
Farriin ay faafisay Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ayaa lagu sheegtay inay heshay xog ku saabsan halis weerar oo ku fool eh goobo ku yaalla caasimadda Muqdisho, sida garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde International Airport.
Qoraalka safaaradda Mareykanka ee Nairobi oo la soo dhigtay boggeeda rasmiga ah ayaa lagu sheegay in la joojiyey dhammaan dhaqdhaqaaqii shaqaalaha safaaradda Mareykanka berrito oo bishu tahay 9-ka April, 2024.
Heerja digniinta amni ayaa lagu sheegay mid aad u sareysa, iyadoo laga baqayo arrimo ay ka mid yihiin falalka argagixsada, shaqaaqooyinka, afduub iyo arrimo kale oo falal denbiyeedyo abaabulan ah.
Safaaradda ayaa ugu baaqday muwaadiniinta Maraykanka inay qaadaan tallaabooyin feejignaan ah oo ay amnigooda ku sugayaan, kana fogaadaan goobaha qaar ee halistooda badan tahay.