Dowladda Mareykanka ayaa ku dhowaaqday inay ka baxeyso heshiiska xakameynta hubka Nuclear-ka ee kala dhaxeeyay Ruushka, kasoo quseeya Gantaalaha ridadda gaaban iyo kuwa dhexe.
Xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka Mike Pompeo ayaa shalay ku dhawaaqay in laga bilaabayo Febraayo 2019 ay hakin doonaan u hogaansaminta heshiiska xakameynta hubka nuclear-ka ee riddada dhexe, loona yaqaan INF, isagoo ku eedeeyey Ruushka inay ku xadgudbeen qodobada heshiiskan oo soo jiray ilaa dagaalkii qaboobaa.
Dowladda Mareykanka ayaa go’aankan sabab uag dhigtay in dowladda Ruushka u hoggaansami waayey heshiiskaas. waxaana saacado kadib jawaab degdeg ah maanta ka bixiyey Madaxweynaha Ruushka oo shaaciyey inay qaateen tallaabo la mida tii ay Mareykanku qaadeen.
Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin ayaa sheegay in waddankiisu uu dib u billaabayo sameynta gantaallo cusub oo xambaara nuclear-ka siiba kuwa ridadda dhexe, isagoo sheegay inay gantaalahaasi geyn doonin dalalka dunida, haddii aanu Mareykanka tallaabadaas oo kale qaadin.
Heshiiska xakameynta hubka halista ah oo ay Mareykanka iyo midowgii Soviet ee USSR kala saxiixdeen sannadkii 1987-kii ayaa labada waddan ka mamnuucayay iney isticmaalaan gantaallada riddada gaaban iyo kuwa riddada dhexe ee xambaara hubka nuclear-ka.
Go’aanka Mareykanka ayaa mar kale dunida gelinaya tartankii hubka Niyukliyeerka ah iyo Gantaalaha, taasoo halis gelineysa amniga dunida oo dhan.