Dowladda Mareykanka ayaa hor istaagtay qaraar kasoo bixi lahaa Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, kaasoo ku baaqayey in guddi xaqiiqo raadis ah loo diro Marinka Gaza oo Israa’iil ay ku dishay Falastiiyiin fara badan.
Qaraarka Golaha Ammaanka ayaa Israa’iil ugu baaqayey inay muujiso taxadir, isma xakameyso, laakiin Mareykanka ayaa diiday in qara rkaasi uu soo baxo, wuxuuna ku difaacay Israa’iil xaqa ay u leedahay inay is difaacdo.
Mareykanka ayaa sidoo kale diiday in Yuhuuuda laga dalbaday inay is xakameyso, isagoo dadka Falastiiyiinta ah bannaanbaxaya ku tilmaamay dad ay soo dirtay Xamaas oo qas wadeyaal ah.
Mareykanka ayaa si indho-la’ana ah u taageersan Yuhuudda, wuxuuna muddooyinkii dambe isu bedelay inuu Israa’iil uga horeeyo difaaca danaheeda.
Dalal fara badan ayaa cambaareeyay xasuuqa ay shalay ciidamada Israa’iilka geysteen Marinka Gaza oo lagu dilay 59 qof, laguna dhaawacay 2800 qof, kadib bannaanbaxyo looga horjeedo safaaradda Mareykanka ee loo soo raray magaalada Qudus.