Dowladda Mareykanka ayaa go’aankeedii ugu cuslaa kasoo saartay xiisada ka dhex taagan dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, waxayna ka hor timid heshiiskii ay gaareen Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo Maamulka la baxay Somaliland.
Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa heshiiskii is-afgaradkii ee Somaliland iyo Itoobiya ku tilmaamay halis amni, sida uu sheegay La-taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka.
Agaasimaha Golaha Amniga Qaranka Mareyakanka John Kirby ayaa sheegay in Dowladda Mareykanka ay kala shaqeyneyso Midowga Afrika iyo Dowladaha urur-goboleedka IGAD – si ay uga hortagto heshiiska is-afgaradka ah ee aan heysan sharciyadda ee Itoobiya la gashay Somaliland.
“Sida aan marar badan sheegnay, waxaan taageereynaa madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waana in la ixtiraamaa.” ayuu yiri John Kirby oo intaas ku daray in xaaladdani ay ka dhigan tahay walaac amni qaran.
Heshiiskan ayuu caddeeyay inuu dhiirri gelinayo maleeshiyada Al-Shabaab oo muddo dheer ahaa caddowga ugu weyn ee dagaallada sokeeye ee Soomaaliya ka socda, sida uu yiri.
“Waxa aan si gaar ah uga walaacsanahay waa in heshiiska Itoobiya iyo Somaliland ay dhawaan kala saxiixdeen inay halis gelineyso dagaalka ay Soomaalida, Afrikaanka iyo saaxiibada caalamiga ah ee gobolka oo aan anagu ka mid nahay kula jirno Al-shabaab” ayuu yiri. John Kirby.
Waa mowqifkii ugu cuslaa ee dowladda Maraykanka ka qaadato is-afgaradka maamulka Somaliland iyo Itoobiya, balse lama oga inay qaadi doonto tallaabo intaasi dhaafsiisan.