Saturday, March 15, 2025

Mareykanka oo digniin kasoo saaray weeraro Alshabaab u qorsheysay ciidamadiisa ku sugan Somaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa digniin hordhac ah kasoo saaray weeraro uu sheegay inay kooxda Al-shaba u qorsheenayan sidii ay ugu qaadi lahaayeen ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya.

War uu faafiyay Taliska ciidamada Mareykanka  ayaa lagu sheegay in Al-shabab ay dooneyso weeraro aargudasho ah oo ay ku qaado ciidamada Mareykanka ee fuliyay howlgaladii ugu dambeeyay ee lagu dilay saraakiil sare oo ururkaasi ka tirsan.

Waa markii ugu horeysay ee Mareykanku  si rasmi ah u qirto inay ciidamo ka joogaan gudaha Soomaaliya, ciidamadaasi ayaa la rumeysan yahay inay la howl galaan ciidamada AMISOM iyo kuwa AMISOM.

Ad

Tirada askarta Mareykanka ee Soomaaliya ku sugan ayaa la sheegaa inay dhan tahay  50, iyagoo fadhigoodu yahay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo kan Balidoogle ee Shabeelaha Hoose.

Goobjooge.com

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON