Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay goor dhoweyd inay dhammaan ciidamadeedii kala baxday dalka Afghanistan, saacadu marey hayad habeen barkii dalkaasi.
Askarigii ugu danbeeyay ee ciidamada Mareykanka ayaa ka baxay dalkaasi, iyadoo lasoo afjaray dagaalkii ugu dheeraa ee dalka Mareykanka dibadda u aado, kuna duulo dal shisheeye, waxaana ka raacay guuldarrooyin waaweyn.
Bixitaankii ciidamada Mareykanka ayaa waxaa ka dhashay qasaare kadib qarax is-miidaamin ah oo lagu dilay 180 qof reer Afgaanistaan ​​ah iyo 13 askari oo Mareykan, waxaana garoonka magaalada Kaabul la wareegay ciidamada Daalibaan.
Rasaas dabaaldeg ah ayaa ka socota magaalada Kaabul, iyadoo hawada loo ridayo hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo ay Daalibaan u dabaal degayaan bixitaanka ciidamada Mareykanka.
Saacado ka hor waqtiga kama dambaysta ah ee Madaxweyne Joe Biden ballanqaaday inuu ka baxayo dalka Afghanistan ayaa waxaa duulimaadyadii ugu danbeeyay ee askarta Mareykanka ay ka baxeen Garoonka Kaabul.
Kumanaan ciidan ah ayaa laba toddobaad oo qallafsan ku qaatay magaalada Kaabul, iyagoo ilaalinaya duulimaadyada tobanaan kun oo reer Afghanistaan ​​ah, Mareykan ah iyo kuwo kale oo doonaya inay ka baxsadaan Maamulka Daalibaan.
Gen. Frank McKenzie, oo ah madaxa taliska dhexe ee Mareykanka, ayaa sheegay in diyaaradihii ugu dambeeyay ay ka duuleen garoonka diyaaradaha ee Kabul 3:29 habeenimo. Waqtiga Washington, ama hal daqiiqo ka hor saqda dhexe ee magaalada Kaabul.

/cloudfront-us-east-2.images.arcpublishing.com/reuters/IA442GZMJNMTDFMPKWD4K5EQAM.jpg)
