Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa shaaciyay in ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa Dalka Siiriya ay halkaasi isaga baxayaan, iyadoo ay bilaabatay daadgureynta ciidamadaasi oo boqolaal ah.
Ciidamada Mareykanka ee ku sugnaa Waqooyi bari dalka Siiriya ayaa taageero siinayey maleeshiyada Kurdiyiinta Siiriya (YPG/SDF) ee la dagaalantay ururkii Daacish, waxaana qorshaha cusub uu yimid markii wadahadal dhinaca isgaarsiinta ku dhex maray madaxweynaha Mareykanka Donald Trump iyo Madaxweynaha Turkiga Rajep Dayip Erdogan.
Turkiga ayaa isu diyaarinaya howlgal weyn oo milateri oo ciidamo badan ka qeyb galayaan, kaasoo in muddo ah dib loo dhigayey, kaasoo ku wajahan Waqooyiga Siiriya, waxayna Turkiga doonayaan inay halkaasi ka sameeyaan Aag nabadgleyo oo ciidamada Siiriya iyo Ruushka aanay duqeyn karin, si Qaxootiga Siiriya loogu hayo. Waxaa muuqata in Mareykanka uu isaga tegay Kurdiyiinti uu hubeeyay ee Suuriya oo Turkiga u arko inay yihiin argagixiso halis ku ah amnigiisa.
Madaxweynaha Turkiga oo shir jaraa’id qabtay saaka ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada Mareykanka ay bilaabatay, ayna iska kaashanayaan labada dal, iyadoo howlgalka milateri ee Turkiga ku qaadayo waqooyiga Suuriya uu noqon doono mid kedis ah, isla markaana aysan ogolaan karin in kooxaha argagixisada ah ay halis ku noqdaan amnigeeda.
Donald Trump ayaa hore ugu hanjabay haddii Turkigu weeraro xooggaga Kurdiyiinta Suuriya uu ka qaadi doono tallaabo lagu burburinayo dhaqaalaha dalkaasi, laakiin warka kasoo baxay Aqalka Cad ayaa maanta lagu soo hadal qaadin maleeshiyada Kurdiyiinta Siiriya ee YPG.