Sunday, March 16, 2025

Mareykanka oo Ciidamada Somaliya ugu deeqday Hub iyo Gaadiid Malaayiin Dollar ah (Sawirro)

Mareykanka ayaa Soomaaliya ku wareejiyey Hub loogu talogalay ciidamada Danab ee Kumaandooska oo ah ciidamo gaara oo Mareykanku tababaray.

Wasiirka Gaashandhigga C/qaadir Maxamed Nuur ayaa Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya kala wareegay Hubkan oo ah mid loo qoondeeyay ibn lagu qalabeeyo Ciidanka Danab oo qeyb ka ah dagaalka lagula jiro Alshabaab.

Safiirka Maraykanka ee u fadhiya Soomaaliya Larry Andre, ayaa munaasabadda wareejinta Hubka iyo Agabiidan iyo gadiidka ku wareejiyay wasiirka, ka sheegay inay tahay deeqdan mid ay ugu talagaleen la-dagaallanka argagixisada Al-Shabaab.

Ad

Qoraal kasoo baxay safaaradda Mareykabka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Hub, Gaadiid, iyo Qalab ciidan oo qiimahoodu gaarayo 9 Milyan Dollar uu Mareykanku ku taageerayo ololaha guusha leh ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo Dadka Soomaaliyeed isaga xoreynayaan Al-Shabaab.

Wasiirka Gaashaandhigga ayaa uga mahad celiyey Dowladda Mareykanka garab istaagga ay u muujiyeen ayna fariin u tahay dalalka kale sida soomaaliya loogu aamini karo waxwalba.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON