Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa taageero maaliyadeed ka heshay Midowga Yurub iyo Mareykanka, iyadoo shalay iyo maanta lagu saxiixay magaalada Muqdisho heshiisyo ay Soomaaliya ku heleyso lacag gaareya 80 Milyan oo Dollar.
Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Maxamuud C/raxmaan Beenebeene, Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Egeh iyo Madaxa USAID ee Soomaaliya, Catie Lott ayaa kala saxiixday heshiis Soomaaliya lagu siinayo lacag gaareysa $68.5 milyan.
Lacagtan ayaa loogu talogalay in lagu horumariyo dhaqaalaha, sida kobcinta dhaqaalaha, dib-u-habaynta maamulka, caafimaadka, waxbarashada, iyo awood-siinta haweenka iyo dhalinyarada, isagoo taageeraya aragtida fog ee adkeysiga Soomaaliya.
Hay’adda USAID ayaa sheegtay in deeqdan lagu ballaarin doonta barnaamijyada Waxbarashada Aasaasiga ah, ayna ka faa’iideysan doonaan in ka badan 150,000 oo carruur ah, laguna dayactiri doono in ka badan 200 fasal, taasoo siin doonta 10,000 oo arday dheeraad ah fursad waxbarasho sanad walba.
Dhinaca kale Midowga Yurub ayaa shalay ku dhawaaqday inay Soomaaliya siinayaan 9 Milyan oo EURO, taasoo ah kabka miisaaniyadda Dowladda, iyadoo loogu talagalay in Dowladdu ku horumariso Sare u qaadista Dakhliga, Federaaleynta Maaliyadda Dalka iyo Horumarinta Waxbarashada loo dhan yahay.