Dowladaha Mareykanka iyo Kenya ayaa magaalada Nairobi ku kala saxiixdayheshiis milateri ah oo ku saabsan Dagaalanka argagixisada ee bariga Afrika.
Heshiiskan ayuu Mareykanku ku taageerayaa dedaalada ay Kenya ku doonayso inay ku hoggaamiso hawl-galka dhinaca amniga ee dalka Haiti iyo dagaalka Alshabaab oo ah koox ka jirta Soomaaliya.
Xoghayaha difaaca Maraykanka Lloyd Austin iyo wasiirka difaaca ee Kenya Aadan Barre Ducaale ayaa kala saxiixday heshiiska oo socon doona muddo 5 sannadood ah.
Xoghaye Austin ayaa sheegay in Maraykanku uga mahadcelinayo Kenya, hoggaaminteeda ku Amniga ee gobolka iyo weliba kuwa caalamka.
Austin ayaa toddobaadkii hore, isaga oo ka qayb gelaya kulan doceed ka dhacay New York, intii uu socday shirka golaha guud ee Qaramada Midoobay, wuxuu ku sheegay inay kala shaqaynayaan Congresska Maraykanka, sidii loo ansixin lahaa lacag gaadhaysa illaa $100 milyan oo lagu bixiyo hawlgalka Haiti.
Austin oo ka hadlayey arrimaha gobolka ayaa soo hadal qaaday ururka al-Shabab, isaga oo sheegay in dawladda Maraykanku ay si gun-dheer ay u qiimaynayso iskaashigooda kala dhexeeya Kenya, ee ku aaddan la dagaalanka kooxda al-Shabab.
Austin ayaa intii uu ku sugnaa Djibouti, wuxuu aad u ammaanay ciidamada Soomaaliya, iyo horumarada ay ka samaynayaan la dagaalanka kooxda al-Shabab, hase ahaatee wuxuu ka digay in weli kooxdu ay leeday awood ay debedda ugu dhoofiso falalkooda argagixisanimada, iyaga oo ka faa’iidaysanaya goobaaha aan maamulku ka jirin.