Sunday, January 26, 2025

Maleeshiyo xiratay Jidka gala magaalada Jowhar (Sidee loo qeybiyay Golaha Degaanka..?)

Wararka laga helayo magaalada Jowhar ayaa sheegaya in ciidamo beeleed ay degaanka Koongo ka xirteen Jidka gala magaaladaasi, taasoo keentay inuu istaago isu socodka Jowhar iyo degmada Balcad.

Wadadda ayaa u xiran maleeshiyada Beesha Awbakar-Gaabane oo ka careysan inay xubintii ay ku lahaayeen Golaha Degaanka Magaalada Jowhar aan la siin, iyagoo ku eedeeyay madaxweynaha maamulkaasi inuu xubintooda duudsiisay.

Gaadiid badan oo ku socday magaalada Jowhar iyo gobollada kale ee dalka, kana tegay Muqdisho iyo gaadiidkii ka yimid Gobollada Dhexe ayaa ku xayiran degaanka Koongo, waxaana halkaasi dhibaato ku heysataa dad shacab ah iyo Gaadiidleyda.

Ad

Dhismaha Golaha degaan Magaalada Jowhar oo muddooyinkii danbe socday ayaa soo gaaray heer uu khilaaf ka dhex dhaliyo beelaha degaanka, wuxuuna ka kooban yahay 27 Xubnood.

Xubnaha Golaha Degaanka ayaa loo qeybiyay sida soo socota: Abgaal 9, Jareer 7, Gaaljecel 5, Moobleen 3, Xawaadle 2.

Wararka ayaa sheegaya in Xubintii 27-aad uu la haray Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, iyadoo aan la ogeyn cidda uu siin doono, waxaana xubintaas u taagan beesha Gadoodsan oo hadda go’doomisay caasimadda Hirshabeelle.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON