Wednesday, October 16, 2024

Maleeshiyo la wareegtay Xaafado ka mida magaalada Beledweyne iyo wararkii ugu danbeeyay..

Wararka laga helayo magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in maleeshiyo hubeysan ay la wareegtay xaafado ka mida magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan.

Maleeshiyadan oo ka mida xoogagga kacdoonka ee ka horjeeda maamulka Hirshabelle ayaa wata gaadiidka dagaalka, waxayna qabsadeen xaafada Nuur Xawaad iyo xero Xero Darwiish, iyadoo la sheegay inay horjeedaan safar uu magaalada Beledweyne ku tegayo madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Xaafadaha oo ay hore ugu sugnaayeen Booliska ayaa dadka magaalada sheegeen inay isaga baxeen, ayna ku laabteen xerada Lama-galaay ee magaalada Beledweyne.

Ad

Xiisada ka tagaan Beledweyne ayaa imaaneysa iyadoo magaalada ay ka jirtay qabanqaabada soo dhoweynta madaxweynaha Hirshabelle oo ay wadeen qaar ka mida madaxda maamulka Gobolka iyo kuwa Hirshabelle.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xaaladda magaalada ay kacsan tahay, balse ciidamada maamulka iyo kuwa dowladda federaalka aysan wax tallaabo ah qaadin.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON