Wednesday, May 21, 2025

Maleeshiyo ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Aagga Xarardheere

Ciidamada dowladda aya sheegay inay tobanaan ka tirsan Maleshiyada Alshabaab ku dileen howlgallo ka dhacay degaano ka tirsan degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Taliyaha Ciidanka Dhulka xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Maxamed Tahliil Biixi ayaa sheegay in howlgal qorsheysan oo ciidanku ka fuliyeen deggaano hoos taga degmada Xarardheere lagu dilay 39 ka tirsan maleeshiyada khawaarijta ee Shabaab.

Wuxuu intaas ku daray in Alshabaab laga furtay hub, haddana ay uga daba tegayaan degaanka Jowle oo firxadkooda laga soo sheegay, iadoo 24-kii saac ee la soo dhaafay in Alshabaab laga dilay 45 maleeshiyaad, 50 kalena dhaawacyo soo gaaray, sida uu yiri.

Ad

“Khawaarijta oo dhibaateynaya shacabka ayaa deegaanka Caad ku gubay gawaari ay shacabku leeyihiin iyo kuwa iyagu lahaayeen oo ka halaabay, shacabka ayaana ciidamada la wadaagay xogta oo ah waxa ugu muhiimsan ee la isa siiyo. Ciidamada xoogga ayaana gacanta ku dhigay deeggaano dhowr ah oo laga saaray khawaarijta” ayuu yiri Jen. Biixi.

Jen. Biixii ayaa xusay in howlgalka maanta ay gacan ku siiyeen saaxiibada Caalamka ee taageerada buuxda la garab taagan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON