Maleehiyo ka tirsan Alshabaab ayaa isu dhiibay ciidamda dowladda ee ku sugan degaan ka tirsan Gobolka Galgaduud oo dhowaan ay dagallo ka dhaceen.
Laba maleeshiyo oo ka tirsan Al Shabaab ayaa maanta isu dhiibay ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanka Cadakibir ee gobolka Galgaduud, sida uu sheegay Guddoomiye ku xigeenka degaankaasi Cabdikariin Axmed Dhagataag.
Xubnahan ayaa la xiriiray maamulka degaanka, waxaana wadahadal dhex maray labada dhinac, kadib u suuragashay inay degaanka Dhisaq-shurufle ciidamadii ku sugnaa isu dhiibaan, iyadoo la baaray, kadibna lagu wareegay maamulka.
Xubnahan ayaa ka mid noqonaya dhallinyararada ka tirsan Shabaabka ee bilaabay inay ka baxeen Alshabaab, dibna ugu laabteana degaanadoodii.
