Saturday, April 26, 2025

Maleeshiyo Beeleed xiratay Wadooyinka Magaalada Beledweyne & Xiisad ka taagan

Xaalad kacsan ayaa ka jirta magaalada Beledweyne ee Gobolka Hiiraan kadib markii maleeshiyo hubeysan ay xireen qaar ka mida wadooyinka magaaladaasi.

Maleeshiyada oo ay isku heyb yihiin darawal mooto bajaaj oo shalay lagu dilay magaaladaasi ayaa la sheegay inay isu diyaarinayaan inay weerar ku qaadaan saldhiga Booliska magaalada si ay ugala baxaan askarigii dilka geystay oo ay dalbanayaan in si degdeg loo toogto.

Xaaladda ayaa ah mid qasan, waxaana ciidamada maamulka iyo maleeshiyada ay isku hor fadhiyaan magaalada, iyadoo la xiray wadooyinka magaalada gaar ahaan wadadda tagta saldhigga Booliska.

Ad

Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa wada dadaallo uu ku doonayo inuu xaaladda ku qaboojiyo, iyadoo waxgarad iyo odayaasha beelaha ay dhinacooda dadaal ugu jiraan inay dejiyaan xiisadda ka dhalatay dilka darawalka Mooto Bajaaj oo shalay ka dhacay magaalada Beledweyne.

Waxaa xirmay isu socodka dadka iyo gaadiidka magaalada, iyadoo uu gabaabsi yahay ganacsiga magaalada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON