Friday, April 18, 2025

Alshabaab fara badan oo lagu dilay Duqeyn ka dhacday Gobolka Sh/Hoose

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in duqeyn cusub oo ka dhacday Gobolka Sh/Hoose lagu dilay tobanaan ka mida maleeshiyada Alshabaab.

Weerarkan ayaa ka dhacay Gobolka Sh/oose, gaar ahaan degmada Awdheegle, waxaana qoraal ay faafisay warbaahinta dowladda lagu sheegay in 27 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay ‘hawlgal qorsheysan’ oo ka dhacay Beerta Sheekhow oo 16 KM u jirta degmada Awdheegle.

“Ciidanka Xoogga Dalka oo garab ka helaya saaxiibo caalami ah, ayaa burburiyay goobihii ay ku sugnaayeen argagixisada, waxaana taasi ay keentay in 27 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab oo isku uruursanayay beertaasi lagu burburiyay” ayaa lagu yiri qoraal kusoo baxay dowladda Somaliya.

Ad

Duqeyntan ayaan faahfaahin kale laga helin, waxayna ka mid tahay weerarro duqeyn. ah oo si dabajoog ah loofu qaado Al-Shabaab, waxaana inta badan fuliya ciidamada Mareykanka.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON