Sunday, December 3, 2023

Maleeshiyadii ugu badneyd oo Alshabaab looga dilay Dagaalkii Baxdo iyo Gawaari u Qarxi waayey

Faahfaahin kale ayaa laga helay dagaalkii cuslaa ee saaka ka dhacay degaanka Baxdo ee Gobolka Galgaduud, maamulka Galmudug.

In ka badan 40 ka mida maleeshiyada Al-shabaab ayaa lagu dilay dagaalkii degmada Baxdo ee gobolka Galguduud, iyadoo Dadka deegaanka iyo ciidamada Daraawiishta Galmdug ay ka hortageen weerar ay Al-shabaab ku qaaday degaankaasi.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug Axmed Shire Falagle ayaa sheegay in qasaare weyn dagaalka lagu gaarsiiyey Alshabaab oo meydad ka badan 40 ay daadsan yihiin Baxdo, wuxuuna intaas ku daray in saddex baabuur oo qaraxyo laga soo buuxiyey ay u qarxi waayeen Alshabaab.

Ad

Khasaaraha kasoo gaaray dadka deegaanka iyo ciidanka Galmudug ayaa lagu sheegay toddoba qof oo dhimasho ah iyo tobaneeyo kale oo dhaawac ah. Dadka dhintay waxaa ka mida saddex caruur ah iyo qof waayeel ah.

Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale soo bandhigay Gaari laga soo buuxiyay qaraxyo, kaas oo ay wateen maleeshiyada Al-shabaab.

Degaanka Baxdo waxaa Duhurnimadii gaaray ciidamo gurmad ah kuwa dowladda iyo kuwa Galmudud, waxaana Alshabaab ay qiratay in dagaalka looga dilay 9 maleeshiyo, halka ay dhinaca kale sheegtay inay ku dishay 27 maleeshiyo.

- Advertisement -

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON