Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo dhaqdhaqaaq ciidan oo ciidamada dowlada ay kula wareegayaan degaanada ay gacanta ku hayeen maleeshiyada Ahlu suna.
Maleeshiyada Ahlu suna ayaa isaga baxay saaka magaalada Guriceel oo uu ku sugan yahay Wasiirka Arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye, waxaana magaalada si buuxda ula wareegay ciidamada dowladda oo ka kala socda Qeybta 21-aad, NISA iyo Danab, waxayna magaalada kula hadleen dadweynaha degaanka.
Guddoomiyaha degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ee Ahlusunna ayaa sheegay in xalay Gaari uu lahaa lagu rasaaseeyey Bartmaha Magaalada xilli halkaasi uu dagaal kooban ku dhex-marayay Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlusunna.
Dhinaca kale ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa la wareegay magaalada Dhuusamareeb, waxayna maleeshiyada Ahlu Suna saaka ka baxeen xarunta Dowladda Hoose ee magaalada, waxaana isla markiiba la wareegay ciidamada dowladda, Madaxda Ahlu suna iyo saraakiishooda ayaa ku urursan xarunta INJ, iyadoo halkaasi uga socdo shir xaaladihii ugu danbeeyay looga hadlayo.
Shalay ayay ahayd markii ay ciidamada dowladda oo la socday wasiirka Arrimaha Gudaha ay la wareegeen degmada Matabaan ee Gobolka Hiiraan, kadib shaqaaqo kooban oo halkaasi ku dhex maray labada dhinac.
Xaaladda degaanada Ahlu suna gacanta ku haysay ee Galgaduud iyo Hiiraan ayaa kacsan iyadoo dowladda Somalia ay awood ciidan u adeegsatay Ahlu suna oo aan la ogeyn tallaabada ay qaadi doonto.