Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in horjoogihii AlShabaab u qaabilsanaa degmadda Cadalle ee Gobolka Sh/dhexe lagu dilay weerar gaadmo ah oo ka dhacay degaanka Xagarey oo 40 KM u jirta xarunta degmada.
Maleeshiyada is abaabushay ee loo yaqaan Macawisleyda ayaa sheegay in weerar gaadmo ah oo ay qaadeen shalay gelinkii dambe ay ku dileen Taliyaha madixii Alshabaab ee degmada Cadalle oo loo yiqiin Macallin Caadey, sida uu sheegay hoggamiyaha Macawisleyda Axmed Dhagey oo intaas ku datay in weerarka lagu dilay saddex xubnood oo kale, ayna ka furteen qoryo iyo agab kale.
“Shalay galinkii danbe abaaro 5:00-kii ayaan weerar gaadmo ah ku qaadnay deegaanka Xagarey oo xarun ah Al Shabaab waxaana halkaas ku dilnay ninkii u qaabilsanaa Cadale iyo Seddex kale oo la socotay, waxaa isoo suurto gashay in aan kasoo furano quri AK47 AH iyo Rasaas badan, waxaan helnay xog u saabsan in halkaas ku dhibaateen dadka shacabka ah, Allah mahadi dhankeena wax nasoo gaaray majiro”ayuu yiri Axmed Dhagey oo ah Taliyaha Macawisleyda oo la hadlay warbaahinta dowladda.
Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Alshabaab, iyadoo dagaallo hore ay labada dhinac ugu dhex mareen tuulooyin ka tirsan Gobolka Sh/Dhexe.