Maleeshiyada degaanka ee degmada Caabudwaaq, Gobolka Galgaduud ayaa weerar ku qaaday laba gari oo la sheegay inay Hub sideen oo kusii jeeday magaalada Dhuusamareeb.
Hubkan ayaa waxaa galbinayay ciidamo ka tirsan Nabadsugida Galmudug ka howlgasha, waxayna dagaal la galeen Maleeshiyaadka beesha degaanka, kaasoo labada dhinac ku dhex maray degaanka Shiila-Madow ee u dhaxeeya Balanballe.
Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya cidda lahayd Hubkan ay bililiqeysteen Maleeshiyada Beesha degaanka Cabudwaaq, waxaana la sheegay inuu leeyahay Liibaan Shuluq oo ka mida Musharaxiinta Madaxweyne ee Galmudug, kuna socday magaalada Galkacayo.
Ma cadda sida Hubkan looga keenay dhinaca Dowlad degaanka Soomaalida ee Ethiopia iyo kaalinta ay ku leedahayd dowladda Itoobiya, iyadoo xiriirka dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya uu meel xun marayo.
Iska hor imaadka hubkan lagu furtay ayaa dhaliyey qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana magaalda Caabudwaaq lagu arkay maleeshiyada degaanka oo wada ay soo furteen la galay magaalada.
Hubka ayaa wu badan qoryaha fududdee AK47 iyo Boobayaasha culus sida BKM, waxaana ku jira Saand kale. Dadka qaar ayaa kyu dooday in Hubkanuu lahaa mid kamid ah Musharixinta Galmudug, halka qaar kale ay qabaan in lagu hurinayo dagaallada Beelaha Galgaduud.