Wararkii ugu danbeeyay ee laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Maleeshiyada Al-shabaab ayaa xalay isku mar qarxisay matoorada ceelashii biyaha degaano ka tirsan Gobolka Galgaduud.
Degaanada ay Alshabaab ka qarxiyey ceelashii iyo Baraagihii waxaa ka mida: Maarsa-mage, Qaayib, Dhuumodle, Cada-kibir, Dhisaq-shurufle iyo cali-wayd oo hoostag Baxdo ee gobolka Galguduud, iyagoo sidoo kale jaray Isgaarsiintii degaanadaasi.
Dadka degaanka ayaa sheegay inay Alshabaab geysan qasaare kale, balse ay burburiyeen Ceelashii Degaanadaasi, taasoo ah ciqaab dadka degaankaasi ay Alshabaab kula kacday xilligan Abaaraha lagu jiro.
Alshabaab ayaa Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo dadka degaanka ay kacdoon kala hortageen ka sameeyay falal ka baxsan bani’aadamnimada sida qarxinta Ceelasha iyo Barkicinta dadka degaanka ku noolaa.
17-kii bishii June ayay aheyd markii degmada Baxdo maleeshiyada Al-shabaab looga dilay ugu yaraan 100, sida ay sheegeen masuuliyiinta Galmudug, kaddib markii dadka deegaanka iyo ciidamada Galmudug oo is garabsanaya ay ka hortageen weerar ay Al-shabaab ku soo qaadday.
Wixii markaas ka dambeeyay ayay dadka deegaannada ku dhow Baxdo waxay sheegeen inay la kulmayeen hanjabaadyo iyo cunaqabateyn uga imaaneysay dhinaca Al-shabaab.