Monday, February 17, 2025

Malaayiinta Xujeyda Muslimiinta oo Maanta taagan Carafa iyo Acmaasha Xajka (Toos)

Xujeyda Muslimiinta ee sanadkan ku sugan Beytka Alle ee Xaramka ayaa maanta taagan Buurta Carrafo, si ay u gutaan Tiirka ugu weyn ee xajka, iyadoo uu Nebiga NNKH laga so weriyey in Xajku yahay Carafo oo qofkii ay dhaafto inuu tago ay la mid tahay in Xajkii uu dhaafay.

Ku dhowaad Laba milyan iyo Bar Xaaji oo sanadkan gudanaya Xajka waxaa khudbad uga jeediyay Carafa Xubin ka tirsan Majmaca Culimada waaweyn ee Yuusuf Bin Muxamed Bin Saciid oo khudbadiisa maalintan weyn uga hadlay wacdi diini ah oo ku saabsan maalinta Carafo, wuxuuna ku baaqay in Muslimiinta ay midooboan.

Xujeyda waxay salaaddii Duhur iyo Casar oo gaaban si isku-jir ama jacmin ah ugu tukadeen Carrafo, iyadoo dhammaan hay’adaha ammaanka iyo kuwa caafimaadka ee ku hawlan u adeegidda xujeyda ay diyaar garoobeen.

Ad

Xujeyda ayaa maanta ku sugnaan doona aagga Carafa ilaa qorraxdu ka dhacayso, kadibna waxay u degdegi doonaan Muzdalifah, halkaasi oo ay ku wada tukan doonaan salaadaha Maqrib iyo Cishaha, si ay ku timid Sunadda Nebigeena SCW, waxaayna ku hoyanayaan halkaasi iyaga oo u diyaar garoobaya maalinta weyn Berito.

Subaxda tobnaad ee Dul-Xijjah, xujeydu waxay ku soo noqonayaan Degaanka Mina si ay halkaas uga tuuraan Jamarat Al-Aqaba, kadibna ay timaha ayey xiirayaan ama gaabsanayaan, iyagoo gowracaya Xoolaha Hadiga loo yaqaan, markaas kadib Waxay ku noqon doonaan Kacbada si ay uosameeyo Dawaafka Ifaadah.

Kadib xujaydu waxay ku noqdaan Mina si ay u soo gutaan maalmihi al-Tashriiq, markii ay dhammaysaan waxay u jihaysan yihiin Makkah si ay u soo galaan Dawaafka sagootinta oo soo gabagabeynaya cibaadada xajka.

- Advertisement -

HOOS KA DAAWO

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON