Saturday, March 15, 2025

Malaayiin Qof oo u baroor-diiqaya Jen. Qaasim Suleymaani & Meydkiisa oo soo gaaray Magaalada Tehran… (Warbixin)

Dadkii ugu badnaa abid ee ka qeyb galaya janaaso ayaa isugu soo baxay magaalooyinka dalka Tehran oo dhan si auga qeyb galaan baroordiiqda loo sameynayo taliyihii ciidamada Qudus ee dalka Iiraan Jen. Qaasim Suleymani oo Mareykanka ay ku dileen magaalada Baqdaad.

Naxasha Meydka Jeneraal Suleymani ayaa lasoo marsiiyey magaalada Ahvaz ee dalka Iiraan, waxaana wadooyinka magaaladaasi buux dhaafiyey malaayiin qof oo kor u siday naxashkiisa, kadibna waxaa xalay la keenay magaalada caasimadda ah ee Tehraan oo sidoo kale malaayiin kale ay wadooyinka buu dhaafiyeen.

Dadka isugu soo baxay janaasadda Jeneraalka reer Iiraan ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu tiro badnaa wixii ka danbeeyay geeridii hoggaamiyihii Kacaanka Iiran Aayatollah Khumeyni oo dhintay 30 sano ka hor, waxaana dhammaan dadkaasi oo xirnaa dhar madow ay ka sinnaayeen inay ku dhawaaqayeen ‘Mareykanka ka dhinto’ iyo in loo aargudo jeneraalka.

Ad

Janaasada Jen. Suleymaani ayaa waxaa maanta ka qeyb galaya hoggaamiyaha Kacaanka Iiran Aayatullah Cali Khomeyni, iyadoo madaxda dalka Iiraan oo dhan ay ku sugayaan xarunta Jaamacadda Iiraan; waxaana kadib loo sameyn doonaa aas Qaran, iyadoo salaada janaasadda lagu tukan doono masjid jaamacada magaalada Tehran.

Dhinaca kale Iiraan ayaa joojisay u hoggaansanka heshiiskii Niyukliyerka ee ay gashay, waxayna meesha ka saartay xadidaaddii kordhinta awoodda Yuraaniyumka, waxaana tallaabadan ay bilow u tahay go’aanada ay qaadaneyso dowladda Iiraan kadib dilkii Jen. Qasim Suleimani.

Dilka Mareykanka ayaa la sheegay inuu mideeyey dadweynaha dalka Iiraan oo hore u kala qeybsaanaa, waxayna dadka oo dhan ka caroodeen tallaabada Mareykanka iyagoo diyaar u ah inay u aargudaan.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON