Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho maanta ku geeriyooday Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo ahaa nin ku caan baxay jilitaanka iyo majaajilada Gobollada Koonfurta Soomaaliya.
Geerida Ajakis oo muddooyinkan xanuunsanaa waxaa xaqiiyey ehelkiisa iyo Telefishanka Universal ee uu ka shaqeyn jiray, waxaana xanuun kusoo booday toddobaadkii hore loo dhigay isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho, iyadoo ugu danbeyn uu maanta geeriyooday.
Qoraal kasoo baxay TV-ga Universal ayaa lagu yiri: “Illaah ha u naxariisto, majaajiliiste Cabdi Muridi Dheere (Ajakis) oo kamid ahaa hawl-wadeenada Tv-ga Universal oo goordhaw ku geeriyooday Muqdisho. Marxuumka ayaa maalmahan ku jiray mid kamid ah Isbitaalada Muqdisho,halkaas oo lagu la tacaalayay xaaladdiisa caafimaad, kadib xanuun kusoo booday isagoo ku sugan xaafadiisa”.
