Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo ahaa Ra’iisal wasaare ku xigeenkii Xukuumadda xilgaarsiinta ayaa noqday xildhibaankii ugu horeeyay ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.
Doorasho goor dhoweyd ka dhacday xarunta Akadeemiyadda Jeneraal Kaahiye ee Booliska magaalada Muqdisho ayaa ergada Beeshiisa ku doorteen Xildhibaan Mahdi Guuleed, waxaana uu cod aqlabiyad leh kusoo baxay doorashada.
97 cod oo ka mida ergada ayaa la shaaciyey inay doorteen Mahdi Maxamed Guuleed, halka Haweeneyda Mushtaaq Ibraahim oo tartanka la gashay la sheegay inay heshay 3 Cod oo kaliya.
Waxaa hore loo sadaaliyey inuu si fudud kusoo baxayo Kursiga xildhibaannimo ee Beesha Ciidagale, kadib markii uu kala wareegay xildhibaankii hore ugu fadhiyey ee Xuseen Carab Ciise, mana jirin tartan adag oo uu galay, kaliya la tartamayey Marwo Mushtaaq Ibraahim Yusuf.
Dhinaca kale dood ayaa durba ka dhalatay musharaxa la tartamay ee Haweeneyda Mushtaaq Ibraahim oo ahayd qof indha-shareer xiran iyo Indho-gashi oo aan si fiican loo fahmeynin, waxaana doorashadu ahayd mid lasii ogaa natiijadeeda.
Kursiga labaad ayaa waxaa ku guuleystay Biixi Iimaan Cige oo horay ugu fadhiyey kursigan isaga oo ka guuleystay Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil.
Biixi Iimaan Cige ayaa helay 91 cod, halka Cabdiraxmaan Xasan uu ka helay sagaal cod. Waxaa hallaabay hal cod.
Kursiga labaad ayaa waxaa ku guuleystay Biixi Iimaan Cige oo horay ugu fadhiyey kursigan isaga oo ka guuleystay Cabdiraxmaan Xasan Ismaaciil. Biixi Iimaan Cige ayaa helay 91 cod, halka Cabdiraxmaan Xasan uu ka helay sagaal cod.

