Sunday, May 25, 2025

Mahdi Guuleed oo magacaabay Guddi xil wareejin, iyadoo Ra’iisal wasaaraha cusub aanu kalsooni helin

Sii-hayaha Ra’iisul Wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa magacaabay guddi heer wasiir ah oo ka shaqeeya munaasabadda xil-wareejinta Ra’iisul Wasaaraha cusub.

Arrintan ayaa timid, kadib markii madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo uu Ra’iisal wasaare cusub u magacaabay Maxamed Xuseen Roobe, waxaana ra’iisal wasaraha uu sugayaa inuu kalsooni ka helo Baarlamaanka, soona dhiso xukuumad cusub.

Lama oga sababta loogu degdegay dhismaha Guddi xil wareejin, iyadoo arrimo adag ka horeeyan inuu Ra’iisal wasaaraha magacaaban noqdo mid rasmi ah.

Ad

Guddiga xil wareejinta ayaa waxaa ka mida wasiirada Qorsheynta, Dhalinyarada. Dastuurka, Cadaaladda, Gaashaanidhigga iyo Gaadiidka Hawada.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON