Ra’iisal wasaare ku xigeenka xukuumadda xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa beeniyay War lagu qoray warbaahinta Kenya oo ku saabsan in Somalia iyo Kenya ay ku heshiiyeen inay qeybsadaan kheyraadka xuduud Badeedka lagu muransan yahay.
Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin oo ay been abuur tahay warka saxaafadda Kenya, gaar ahaan gaar ahaan Jariidada The Star lagu daabacay ee arrintan ku saabsan.
““Waa War aan sal lahayn , waxbana kama jiraan, waxaan sugaynaa go’aanka ICJ, ee Cadaaladda ah” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed oo Soomaaliya Mas’uulka uga ah Dacwadda Badda.
Warbaahinta Kenya ayaa sheegtay inay ogaatay warbixin sheegaysa in labada dowladood ay kala bar 50%/50% ay u qeybsan doonaan kheyraadka Shidaal ee laga soo saarayo xuduudka la isku heysto ee Kenya iyo Somalia.
Waxaa kaloo intaas lagu daray in wafdiyo ka socda Soomaaliya iyo Kenya tagi doonaan dalka Qatar si ay heshiiskaasi u saxiixaan, dibna loola soo noqdo dacwadda taalla ICJ.
