Xildhibaan Mahad Maxmaed Salaad ayaa dilka Ikraan Tahliil oo ka mid ahyad hay’adda NISA ku eedeeyay agaasimaha Hay’adda Fahad Yaasiin, isagoo ku sheegay inuu yahay Shabaabka dilka u geystay.
“Al-Shabaabka Fahad Yaasiin sheegay in ay dileen Ikraan Tahliil waa ISAGA. Isagaa dilay, duugayna Ikraan Tahliil. Ehelada Ikraan waxaan kula talinayaa in ay furtaan gal dacwadeed Fahad ka dhan ah” ayuu yiri Mahad Salaad oo jawaab ka bixiyey warka ay Hay’adda NISA ku faafisay Warbaahina dowladda ee sheegaya in Ikraan ay u gacan gashay Alshabaab, ayna dileen.
Wuxuu ugu baaqay Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu xilka ka qaado ninkaas dambiilaha ah, sida uu yiri, isla markaana aan loo oggolaan oinuu dalka ka baxo ee Maxkamad loo soo taago!
Kiiska Ikraan Tahliil oo muddo laba bilood ka badan soo jiiatamayey ayey hay’adda ay ka tirsaneyd ee NISA caawa shaacisay inay dileen Alshabaab, iyadoo aan faahfaahin ka bixin, sida ay ugu gacan gashay iyo cidda ka danbeysay.