Sunday, April 27, 2025

Mahad Salaad oo jawaab Cajiib ah u diray Axmed Fiqi. “Durbaanka aad tumeyso waan fahamsanahay..”

-

- Advertisement -

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa jawaab yaab leh u diray Wasiirkii is casilay ee Amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi, isagoo ka jawaabay shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay Muqdisho.

Mahad Salaad ayaa jawaabtiisa ka dhigay qiso hore u dhacday ee degaanada Beeshoodu degto laga yaqaan, wuxuuna qoraalkiisa ku bilaabay:

Abtigey Fiqi waxaan leeyahay!

Waxa jiray nin oday ah oo mingiska ka tumi jiray deegaanada Galmudug, lana dhihi jiray Dalays oo Cayr ahaa. Waxa xarun u ahaan jirtay meel LACASO la yiraahdo oo Gadoon agteeda ah.

Lacoso-na habeenka marka la gaaro nalal ayaa ka shidma, durbaan cid garaacaysa aan la aqoona waa ka yeeraa. Marka waxa la yiraahdaa jinka ayay hoy ama guri u tahay.

- Advertisement -

Dalays meeshii ayuu ku shiiday marka wuxuu go’aansaday in uu ka guuro, farsamadiisana ku shaqaysto. Baanankana inuu u baxo ma rabo ee inuu Cayrka ka dhex qaraabto ayuu rabaa. Marka qolodii Cabsiiye ayuu inta ka soo tagay, ayuu soo dhex degay kuwa kale oo Ayaanle ah!

Wuxuu rabaa marka inuu sheego in Jinkii soo guuray isagana soo raacay. Berrin ayuu inta xaarxaartay oo durbaankiisii la soo baxay ayuu ku dhuftay hees uu rabo dadka inuu ku hogga tusaaleeyo in jinigii soo guuray hadana safar ku marayo dhulka Ayaanluhu deganyahay.

Marka wuxu yiri: “Jinigu Lacasow ka yimid cabsiiyow labo ka dilay, haddana laanlow maraa lag iyo bariyow rabaa Ayaanlowna lurahayaa!

Abtigey Fiqi waxaan leeyahay durbaanka aad tumeyso waan fahamsanahay Abtiyow ee Ilaahey haku soo nabad aruursho!

W/Q: Xil. Mahad Maxamed Salaad

- Advertisement -

Qoraalka kama tarjumayo aragtida Mareegta GOOBJOOGE.NET, wuxuuna gaar u yahay qoraaga ku saxiixan.
The views and opinions expressed in this website are those of the authors and do not necessarily reflect Goobjooge.net's editorial stance.

XULKA WARARKA

WARARKA CUSUB

Sheegow Cali Axmed oo isagoo Maxbuus ah ku geeriyooday magaalada Muqdisho

Wararka laga helayo Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya inuu goor dhoweyd ku geeriyooday Sheegow Axmed Cali oo loo yaqaano Jeneraal Sheegow, kaasoo u xirnaa dowladda.Marxuumka...

Wasiir Roobow: “Muqdisho ma aha Kaabul iyo Dimishiq, Axmed Diiriye-na ama Axmed ASharaca Syria”

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Islaamka dowladda Soomalaiya iyo culimo kale ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay caasimadda Muqdisho, iyagoo ka hadlay dagaallada Alshabaab...

Wasiirkii Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamud Cali Yuusuf oo loo Doortay Guddoomiyaha Midowga Afrika

Wasiirkii Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa loo doortay, kuna guuleystay doorashada xilka Guddoomiyaha Midowga Afrika oo maanta ka dhacday magaalada Addis...

Madaxweynaha Turkiga oo ka hor yimid barakicinta Dadka Gaza, Donald Trump ku tilmaamay nin iska hadlay

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hor yimid qorshaha Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ku doonayo in Dadka reer Falastiin laga rarro Marinka Gaza.Erdigan...

Magacyada Golaha Wasiirada cusub ee Somaliland iyo Beelaha ay kasoo jeedaan

Madaxweynaha cusub ee Somaliland  C/raxmaan Maxame C/llaahi (Cirro) ayaa maanta ku dhawaaqay golaha wasiirrrada maamulkiisa oo guud ahaan ka kooban 28 Wasiir, wasiir ku...

Guddoomiye cusub oo loo magacaabay Gobolka Banaadir iyo Taariikhdiisa oo kooban

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii looga qaaday guddoomiyihii gobolka Banaadir iyo Duqii magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), waxaana la magacaabay mas’uul...

Mucaaradka Hubeysan oo la wareegay talada dalka Syria iyo Madaxweynihii oo baxsaday

Dowladii Syria ayaa burburtay aroornimadii saaka, kadib markii ay qabsadeen jabhadaha mucaaradka, isla markaana uu dalkaasi isaga cararray madaxweyne Bashaar Al-asad.Kooxda mucaaradka Suuriy ayaa...

XOGAHA QARSOON

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre oo Cadaadis lagu saarayo inuu xilka iska casilo

Ra’iisal Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa la sheegay inuu wajahayo sadaadis siyaasadeed oo xoog leh, kadib markii Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed...

XOG laga helay Mooshinka laga keenay Wasiir Fiqi iyo Xildhibaanno lagu eedeeyay inay Itoobiya…

Dood culus ayaa ka dhalatay Mooshin ka dhan ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Axmed Macallin Fiqi oo ay shalay qabteen Guddoonka Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka,...

XOG: Saldhigga Dayax-Gacmeedyada Turkiga iyo Dhul Xeebeedka Dowladda Somaliya bixisay

Dowladda Turkiga ayaa qorsheyneysa inay Soomaaliya ka dhisto Saldhig weyn oo qaabilsan hawada sare, kaasoo laga diri doono Dayax-gacmeedyada sahanka hawada sare.Mashuurca Hawada Sare...

Kulan la isugu keeni lahaa Madaxweyne Xasan Sheekh iyo RW Abiy Ahmed oo fashilmay

Wararka laga helay ilo diblomaasi ayaa sheegaya inuu fashilmay qorshe lagu doonayay in lagu kulansiiyo Madaxweynah Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra'iisal Wasaaraha Itoobiya...

AKHRISO QORMOOYINKA KALERELATED
Recommended to you