Friday, July 18, 2025

Mahad Cawad: “Siyaasiyiintu ma aha in sidii Shaatigii loo tuuro oo ay Suuqa Qare la fariistaan..” [DAAWO]

Kulanka Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa Shir guddoominaya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ay ka qeyb galeen 156 xildhibaan.

Ajendaha kulanka ayaa ah akhrinta koowaad mashruuc sharci ku saabsan Xuquuqda liil-tirka (dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda oo xaq joogto ah loogu sameynayo xildhibannada iyo siyaasiyiinta xilalka soo qabta, kadib markii ay xilka banneeyaan.

Guddoomiye ku xigeenak Baarlamaanka Federaala Mahad Cabdalla Cawad ayaa xildhibaannada u sheegay inay degdeg u ansixiyaan  sharciga isagoo ku dooday in siyaasiyiinta ay shaqooyin badan ay u soo qabteen, xaalad adagna ku soo shaqeeyeen, isla markaana hadda ansaxsadaan xaqooda marka ay xilka banneeyaan.

“Qofka Siyaasiga Soomaaliga ah ah dalkiisa si xor ah uguma noolaan karo, Siyaasiyiintu in sidii Shaatigii loo tuuro oo ay suuqa Qare la fariistaan wax suurtagal ah maahan..” ayuu ku dooday Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaankaa Federaalka Mahad Cabdala.

HOOS KA DAAWO

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON