Saturday, December 14, 2024

Magacyada Saraakiisha Imaaraadka ee lagu dilay Muqdisho iyo Arrin gilgishay dalkaasi (Sawirro)

Weerarkii Muqdisoh ee lagu dilay Saraakiisha Milateri ee Imaaraadka Carabta ayaa gigilay dalka Imaaraadka, iyadoo maanta magaalooyinkii ay kasoo jeedeen lagu aasay saraakiishaasi.

Diyaarad Milateri ayaa Muqdisho ka qaaday meydadka Saraakiisha iyo dhaawacyada, waxaana si heer qaran ah loogu maamuusay garoonka diyaaradaha ee Al Bateen, waxaan ka qeyb galay mas’uuliyiin sare oo dowladda Imaaraadka ka tirsan iyo qoysaskii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen saraakiisha.

Sarakiisha Imaaraadka ee Saldhigga Jeneral Gordon ee Muqdisho lagu dilay ayaa kala ah:

Ad

1- Colonel Mohammed Al Mansouri

2- Mohammed Al Shamsi

3- Khalifa Al Balushi,

- Advertisement -

4- Suleiman Al Shehhi

Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka ayaa shaacisay eerida 3-askari oo ka tirsan ciidamada dalka Imaaraadka Carabta iyo sarkaal ka tirsan ciidamada dalka Baxreyn, iyo dhaawaca 2 kale oo midkood uu geeriyooday, kadib markii uu loo duuliyey dalka Imaaraadka.

Saraakiisha Imaaraadka ayaa salaad janaaso lagula tukaday degaanadadii ay kasoo jeedeen, waxaana arrintan ay noqotay warka uu weyn ee dalka Imaaraadka laga hadal hayo oo guux badan dhaliyay.

Dhinaca kale Dalalka Khaliijka oo dhan, Jaamacadda Carabta, Masar, Mareykanka, Turkiga iyo dalal badan ayaa tacsi u diray Imaaraadka, iyagoo canbaareeyay weerarka argagxiiso ee Muqdisho ka dhacay, laguna dilay saraakiishaasi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON