Sunday, November 10, 2024

Magacyada Horjoogayaashii Alshabaab looga dilay Duqeyntii Buq-Aqable oo la shaaciyay

Duqeyn ka dhacday Gobolka Hiiraan ayaa lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Alshabaab, sida lagu sheegay war kasoo baxay Dowladda Soomaaliya.

Duqeyntan waxaa fuliyay Diyaaradaha Drone-ka, iyadoo ay iska kaashadeen Somaliya Saaxiibada Caalamka oo inta badan loo yaqaan Mareykanka, waxayna ka dhacday degaanka Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan 28-kii bishan.

Xubnaha Alshabaab ee la sheegay in duqeyntii ugu danbeysay lagu dilay ayaa saarna laba Gaari, waxayna dhammeysteen tababar ay ku qaateen degaankaka Buq-aqable.

Ad

Horjoogeyaal duqeynta lagu dilay waxaa ka mida:-

1- Cismaan Cali Cabdi (Caanooy) oo ahaa Horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa Zakawaadka Degmada Jalalaqsi.

2- Buulle Kabey oo ahaa Horjoogihii Gaadiidka Alshabaab ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

- Advertisement -

3- Maxamed Abuukar oo ahaa Horjoogihii Alshabaab ee Degaanka Ceel-Cali Gobolka Hiiraan.

4-Cabdisalaan oo ahaa horjoogihii ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

5- Macalin Yaasir oo oo boono-jare ka ahaa Isbaarada Alshabaab u taala deegaanka Shaw ee Gobolka Hiiraan.

6- Macalin Aadan Fanax waxa uu ahaa xubin ka tirsan qaybaha dhaqaalaha Shacabke ee Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON