Monday, February 10, 2025

Magacyada Horjoogayaal ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay Aw-dheegle iyo Bariirre (Akhriso)

Taliska ciidamada Milateriga Soomaaliya ayaa shaaciyey magacyada horjoogayaal ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay weerarradii ay kusoo qaadeen shalay xarumaha ciidamada ee Aw-dheegle iyo Bariirre oo ka tirsan Gobolka Sh/Hoose.

Dagaallo culus oo Sabtidii 3-da April 2021 ka dhacay Gobolka Sh/Hoose ayaa lagu dilay maleeshiyadii ugu badneyd ee Alshabaab oo ku dhow 100, halka Alshabaab ay sheegatay inay iyaduna dishay ciidamo gaara 67 oo ka tirsan kuwa dowladda.

Magacyada Horjoogeyaasha Alshabaab ee la dilay iyo Xilalkii ay ka hayeen Kooxda, waxay kala ahaayeen:

Ad

1- Cabdi Nuur Qaar Qaar oo hoggaaminayey Maleeshiyaadii weerarka ku qaaday Awdheegle.

2- Ismaaciil Dubad oo ahaa Madaxii gurmadka Jabhadaha Argagixisada Alshabaab.

3- Xareed Dheere oo ahaa Ku-xiggeenka guud ee amniyaadka Argagixisada.

- Advertisement -

Warbaahinta ciidamada dowladda ayaa shaacisay magacyada horjoogayaashan, iyadoo kasoo xigatay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage.

Ma jirto cid xaqiijisay magacyadan, waxaana marar badan sidan oo kale la shaaciyey horjoogayaal laga dilay Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON