Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa caawa yeeshay kulan degdega oo a ku ansixiyeen Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha.
Guddigan oo ka harsanaa Qorshaha Doorashada QOF IYO COD ee Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha lagu sheegay inuu yahay Guddi Qaran oo dastuuri, kaasoo mas’uul ka ah maamulidda doorashooyinka heerarka kala duwan ee dalka.
Xubnaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha oo beelaha Soomaaliyeed loogu qeybsaday 4.5 ayaa waxaay kala yihiin:
1) Cabdikariim Axmed Xassan
2) Saadiq Abshir Garaad
3) Avv. Maxamed Cabdiraxmaan Aadan
4) Yusuf Cabdiqaadir Maxamed-Baafo
5) Cumar Abuukar Cumar
6) Farxiyo Maxamed Yusuf
7) Dr. Cumar Jamac Maxamed
8) Faarax Cabdi Xasan
9) Sahro Diiriye Muuse
10) Cabdullahi Salaad Yaroow
11) Maxamed Amiin Xasan Cabdullahi
12) Cabdi Cadow Maxamed
13) Cabdishakuur Abiib Haayir
14) Khaalid Ibrahim Ismaaciil
15) Aamina Sh. Cusmaan Maxamed
16) Naasir Maxamed Shire
17) Cabdiraxiim Cabdillahi Shaafici
18) Maxamed Cumar Ismaciil