Tuesday, February 18, 2025

Magacyada 6 Xildhibaan oo lagu doortay Baydhaba & Wasiiro waayey kuraasii Xildhibaan (Akhriso)

Waxaa maanta magaalada Baydhaba ee Maamulka Koonfur Galbeed ka dhcay doorashada lix ka mida kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Kuraastan oo hore loo ogaa xubnaha kusoo baxaya oo maamulka Koonfur Galbeed u xiray lixda kursi, ayaa waxaa dhinac akale kuraastan waayey xubno caan ah oo wasiiro iyo xildhibaanno hore isugu jira.

Akhriso liiska magacada xildhibaannada la soo xulay ee soo baxay:

Ad

Kursiga HOP253: waxaa kusoo baxay Aadan Maxamed Cali oo helay codad gaaraya 70-cod, halka musharaxii la tartamayey Cabduqaadir Ibraahim Buulle uu ka helay 21 cod. waxaa kursiga uu hore u ahaa qoonde haween, iyadoo ay ku fadhiday Samra Ibrahim Cumar.

Kursiga HOP178: waxaa kusoo baxay Cabdullaahi Maxamed Cali oo helay 70 cod, musharaxii la tartamay Bile Xasan Cabdi ayaa isna helay 25-cod. Kursigan waxaa ugu fadhiyay Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xasan Cali Maxamed (Amar-dambe) oo sheegay in laga hor istaagay tartanka.

Kursiga HOP050: waxaa kusoo baxay Wasiirka Ganacsiga Koonfur Galbeed Axmed Sheekh Maxamed (Mashruuc) oo helay 80-cod, halka musharaxii la tartamay Maxamed Ibraahim Aadan uu ka helay 14 cod. kursigan waxaa ugu fadhiyay Wasiirka shaqada & Arrimaha Bulshada Soomaaliya Cabduwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif oo waayey inuu soo laabto.

- Advertisement -

Kursiga HOP230 waxaa kusoo baxay Jaamac Taqal Cabaas oo helay 77 Cod, halka musharaxii la tartamay ee Cabdi Cali Cumar uu ka helay 23 Cod. Waxaa kursigan hore ugu fadhiyey Prof. Cabdiraxmaan Aadan Ibraahim (IBBI) oo ka mid ahaa taageerayaasha Farmaajo.

Kursiga HOP183: waxaa kusoo baxay Muqtaar Maxamed Guuleed, isaga oo helay 83 cod, halka musharaxii la tartamay Xuseen Cali Aadan uu ka helay 16 Cod hal cod..

Kursiga HOP275: waxaa kusoo baxay Ismaaciil Iidow Maxamed oo helay codad dhan 71-cod halka musharaxii la tartamaye Cabdisitaar Xasan Cali uu ka helay 16-cod.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON