Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay duqeyn iska kaashadeen dowladda iyo Saaxiibada calamaka oo lagu qaaday Gobolka Sh/Dhexe.
Duqeynta ayaa warka kasoo baxay dowladda Soomaaliya lagu sheegay in lagu dilay 7 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Alshabaab ayaa lagu dilay howlgalkan oo ka dhacay degaanka Fiidow ee degmada Mahadaay ee gobalka Shabeellaha Dhexe.
Xubnaha Alshabaab ee lagu dilay duqeynta ayaa waxaa ka mida saddex horjooge oo ka tirsan Alshabaab, kuwaas oo kala ah:
1. Cabdiraxmaan Dheere oo Alshabaab u qaabilsanaa weerarada gaadmada ah ee kooxdu ka gaysato gobolka Shabeellaha Dhexe.
2. Horjooge Mucaad oo ka tirsanaa Qeybta weerarada Alshabaab ka gaystaan gobalka Shabeellaha Dhexe.
3. iyo Horjooge Cabdirisaaq Muuse Khaliif oo ahaa ku xigeenka Horjoogaha Sakawaadka.
Waxaa sidoo kale duqeynta la sheegay in lagu dilay maleeshiyaadkii ay wateen saddeda horjooge ee Alshabaab ka tirsanaa.