Saturday, March 15, 2025

Magacaabid uu sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle oo Colaad ka dhalisay Degmada Matabaan

Wararka laga helayo Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xiisad beeleed oo taagan degmada Matabaan ay kicisay magacaabid uu sameeyay Madaxweynaha Hirshabeelle.

Dagaal beeleed ayaa ka dhacay degaano ka tirsan Matabaan oo u dhow xuduudka Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud, taasoo lagu sheegay inay salka ku heyso dhul la isku heysto, laakiin wararka ayaa sheegaya inay arrintan kacday markii madaxweynaha Hirshabeelle uu guddoomiye cusub u magaacaabay degmada Matabaan.

Madaxweynaha Hirshabelle ayaa guddoomiyaha Degmada Matabbaan ua magacaabay guddoomiye ay isku beel yihiin iyadoo degmadaasi ay u badan tahay beel kale, waxaana wararku sheegayaan in labada beelood ee dagaalku dhex maray ay arrintooda dhalatay kadib tallaabada uu qaaday madaxweyne Cosoble.

Ad

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali C/llaahi Cosobole oo fadhigiisu yahay Muqdisho ayaa muddo laba jeer ah bedelay maamulka Gobolka Hiiraan.

Goobjooge

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON