Saturday, April 19, 2025

Magaalada Paris oo habeenkii Shanaad gubanaysa (Maxaa ka socda Faransiiska?)

Waxaa dalka Faransiiska ka sii socda dibad-baxyada rabshadaha wata ee ka socda, kuwaas oo geystay qasaare badan, isla markaana sababay in la xiro kumanaan qof.

Dibad-baxayaasha iyo ciidamada Amniga Faransiiska ayaa habeenkii shanaad xalay isku dhacay, waxayna isku fara sareen bartamaha magaalada Paris iyo dhowr magaalo oo waaweyn oo ku yaalla dalka Faransiiska.

Bannaanbaxyada ayaa ka bilowday Dilka wiil 17 sano jir ahaa oo asal ahaan ka soo jeeda dalka Aljeeriya, kaasoo uu toogasho ku dilay Askari Booliis ah, waxayna ku fideen guud ahaan dalkaasi. Xukuumadda madaxweyne Emmanuel Macron ay awood u adeegsaneysa si ay uga hortagto inay qalalaasaha socda oo ah kuwii ugu xumaa ee dalkaasi ka dhaca ay sii faafaan.

Ad

Dowladda Faransiiska ayaa bandow habeenkii ah kusoo rogay ilaa 20 magaalo oo ku yaalla duleedka magaalada Paris, waxaana dab la qabadsiiyay gaadiid iyo degaano badan oo ka mida caasimadda iyo magaalooyinka lu wareegsan.

Magaalooyina ay Booliska iyo Bannaanbaxayaasha isku fara saareen waxaa ka mida: Strasbourg, Lyon, Nice, Rann iyo guud ahaan degaanada ku wareegsan caasimadda Paris.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON