Magaalada Baydhaba oo ah xarunta KMG ah ee maamulka K/Galbeed ayaa gashay xaalad colaadeed, kadib dagaal ku dhex maraya ciidamada maamulka K/Galbeed iyo maleeshiyo taabacsan mucaaradka.
Iska hor imaadka ayaa saaka ka bilowday magaalada Baydhaba, kadib markii ciidamada ka amar qaata madaxweynaha K/Galbeed C/casiis Lafta-gareen ay weerar ku qaadeen Hoyga Maxamed Aadan Fargeeti oo ah musharax u taagan xilka Madaxweynaha K/Galbeed, horena u soo noqday wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.
Dagaalka ayaa yimid kadib xiisadda ka taagan muddo kororsiga Halka sano ee Madaxweyne C/casiis Lafta-gareen oo u bilowday 19-kii Disembar, waxaana lasoo weriyey qasaare uu dhaliyey dagaalka Baydhaba oo mar kale lasoo weriyey inuu dib u bilowday Duhurkii kadib.
Rasaas ayaa laga maqlayaa gudaha magaalada Baydhaba, waana markii ugu horeysay ee magaalada ay gasho iska hor imaad ku dhisan siyaasad, waxaana laga cabsi qabaa inay xaaladu kasii darto.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in maleeshiyadii mucaaradka ay ka baxeen magaalada Baydhabo kadib dagaal 8 Saac ka badan socday oo ay ku dhinteen ilaa 10 qof.
Ciidamada maamulka K/Galbeed ayaa gala Guriga ay weerarreen, waxaana la sheegay inay ka qaateen agabkii yaallay, iyadoo muuqaalka guriga uu muujinayo waxyeelo weyn oo kasoo gaartay hubkii lagu garaacay.
