Madaxweynihii dalka Imaaraadka Carabta Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa lagu dhawaaqay inuu geeriyooday, sida laga soo xigtay warbaahinta dalkaasi.
Sheekh Khalifa, oo ahaa 73 jir ayaa muddo xanuunsanaa, waxaana uu ahaa mas’uul aan inta badan muuqan, iyadoo dalka Imaaraadka uu si rasmi ah u xukumo dhaxal-sugaha dalkaasi Maxamed Bin Zayid.
Madaxweyne Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan ayaa sidoo kale ahaa amiirka Imaaraadda Abu Dhabi oo ka mid ah Imaaradaha ee dalkaas UAE.
Madaxweyne ku-xigeenka iyo ra’iisul wasaaraha Sheikh Mohammed bin Rashid al-Maktoum oo xukuma Imaaradda Dubai ayaa sii hayn doona xilka madaxweynaha illaa inta ay muddo 30 maalmood gudahood ah ku kulmayaan golaha faderaalka oo ka kooban madaxda toddobada Imaaradood, si ay u doortaan madaxweyne cusub.
Khalifa waxa uu dhashay 1948-kii, wuxuuna xukunka Imaaradda Abu Dhabi iyo tan madaxweynaha dalka qabtay 2004. Waxaa xukunka Abu Dhabi kala wareegi doono ku-xigeenkiisa, ahna walaalkiisa ay isku aabaha yihiin Sheikh Mohammed bin Zayed al-Nahyan.
Qaar ka mida madaxda Soomaalida ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka dalka Imaaraadka Carabta. Madaxdaasi waxaa ugu horeeyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.
Madaxda klale ee tacsida diray waxaa ka mida Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe, Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo madax kale.