Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna guddoomiyaah xisbiga UPD ayaa iska fogeeyay war muran dhaliyey oo kasoo yeeray Taliyii hore ee Hay’adda NISA C/llaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo ka mida xubnaha xisbiga UPD.
Xasan Sheekh ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in hadalka kasoo yeeray Sanbaloolshe uu isagu gaar ku yahay aanu ka mid aheyn mabaa’diida Xisbiga UPD. “Mudane Sanbaloolshe waa mas’uul ka tirsan Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (UPD), hase yeeshe arrinka uu ka hadlay ee la xiriira siyaasadda qabaliga ah, ka mid ma aha mabaadi’da Xisbiga UPD ee ku cad xeerka iyo barnaamijka Xisbiga ee waa ra’yiga gaarka ah ee mudanaha. Ummadda Soomaaliyeedna sidaas ha ula socoto arrinkaas..” ayuu qoraalkiisa ku yiri Xasan Sheekh.
Xasan Sheekh ayaa qoraalkiisa ku sheegay inuu umadda Soomaaliyeed ku wargelinayo in warka Sanbaloolshe uu yahay mid isaga fekerkiisa u gaara marka uu ka hadlay siyaasadda qabaliga ah iyo sida ay la tahay.
“Siyaasadda Soomaaliya ee xilliyadaan dambe waxay ahayd mid gabi dhacleyneyso oo aan jihaysneyn, sidaas daraadeed ayaa mararka qaar lala kulmaa aragtiyo kala duwan ama ka durugsan mabadi’dii siyaasadeed ee asaasiga inoo ahayd, taas oo ku qeexan dastuurka Kmg ah, oo siinaya muwaadiniinta Soomaaliyeed xuquuq siyaasadeed oo siman. Baryahaan waxaa baraha bulshada yiillay ra’yi uu ka hadlay mudane Cabdullaahi Maxamad Cali (Sanbaloolshe). Mudane Sanbaloolshe waa mas’uul ka tirsan Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD), hase yeeshe arrinka uu ka hadlay ee la xiriira siyaasadda qabaliga ah, ka mid ma aha mabaadi’da Xisbiga UPD ee ku cad xeerka iyo barnaamijka Xisbiga ee waa ra’yiga gaarka ah ee mudanaha. Ummadda Soomaaliyeedna sidaas ha ula socoto arrinkaas...” ayuu yiri Xasan Sheekh.
HOOS KA DAAWO