Sunday, May 25, 2025

Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed oo Baaq degdeg ah soo saaray (Akhriso)

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, ahna musharax u taagan xilka madaxweynaha ayaa soo saaray baaq degdeg oo ku saabsan xaaladda abaaraha ee Gobolka Gedo iyo Gobollada dalka, Cudurka Covid-19 iyo dhibaatadooyinka ka dhashay.

Farriinta Sheekh Shariif ayaa ku socotay Ganacsatada Soomaaliyeed iyo Wasaaradaha xukuumadda ee ay quseyso xaaladan, waxayna farriintiisa u qorneyd sida so socota:

Ugu horreyn Waxaan ugu baaqayaa Guud ahaan shacbiga Soomaaliyeed qaybihiisa kala duwan, Xukuumadda Xil-gaarsiinta, saaxiibada Soomaaliya ee caalamka, iyo Hay’adaha Samafalka inay kaalmo degdeg ah la gaaraan masiibada bini’aadannimo ee kajirta gobolka Gedo ee Jubaland iyo guud ahaan gobolada kale ee dalka ee laga soo sheegayo masiibooyinka.

Dhibaatooyin is biirsaday oo ay kamid yihiin Biya la’aan, Abaaro, iyo Caabuqa Covid-19 ayaa dhibaato xoogan ku haya bulshadeenna, sidaa darteed waxaan ugu baaqayaa Ganacsatada Soomaaliyeed inay qayb ka noqdaan gurmadka, kaalin muuqatana ay ku yeeshaan keenista dalka ee talaalka Covid-19 maadaama awoodda dowladdu ay kooban tahay.

Ugu dambeyn waxaan ugu baaqeynaa Wasaaradaha ay khuseyso ee Xukuumadda inay ganacsatada u fududeeyaan sidii ay dalka u keeni lahaayeen, wax kasta oo looga hortegi karo cudurka Covid-19, sida tallaaka iyo adeegyada kale ee daawo ee loo kaashan karo la tacaalidda xanuunka Coronaha.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON