Madaxweynihii hore ee dalka Ghana John Dramani Mahama ayaa ka noqday inuu aqbalay xilkii ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u magacaabay Soomaaliya.
Warqad uu u qoray Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika ayuu ugu caddeeyay inuu la la noqday aqbalaaddiisa magacaabista Ergeyga gaarka ah ee Soomaaliya, isagoo ku sheegay inuusan diyaar u ahayn xilkaas sare haddii aanu dhinacyda oo dhan taageero ka heysan.
Wuxuu ka mahad celiyey kalsoonida ay u muujiyeen Midowga Afrika, laakiin wuxuu qoraalka uu u diray Guddoomiyaha Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat ku yiri: “Muhiimadda siyaasadeed ee sarreysa ee hawsha la ii soo jeediyey waxay u baahan tahay in Wakiilka Sare uu heyso taageerada dhammaan daneeyayaasha siyaasadda.”
Magacaabidda Mahama ee wakiilka Midowga Afrika waxaa soo dhoweeyay Golaha Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya, iyo Dowlad Goboleedyada, balse waxaa ka hor yimid Dowladda Federaalka.
Wasiirka Arrimaha dibadda Dowladda Federaalka Soaliya ayaa qoraal uu u diray Midowga Afrika ugu sheegay in John Mahama uu dano dhaqaale ku leeyahay dalka Kenya oo ah dal ay cadaawad kala dhaxeyso Soomaaliya.