Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii ka xayuubiyey La-taliyihiisii Arrimaha xiriirka caalamiga ah iyo isuduwaha barnaamijyada.
La-taliyaha Nasa Cige ayuu Madaxweynaha xilka uga qaadya wareegto kasoo baxday maanta, wuxuuna hore xilkan ugu magacaabay Bishii Novemnber 2022, iyadoo markaas la sheegay inuu aqoon u leeyahay diblomaasiyadda.
Qoraalka Madaxtooyda ee xil ka qaadista ayaa lagu sheegay inuu Madaxweynaha uga mahadceliyey La-taliyaha hore wakhtiga uu usoo shaqeeyey dalkiisa.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magacabaay la-taliyeyaashii ugu badnaa abid ee madaxweyne uu yeesho, balse waxaa la xaqiijiyay inay dhibaato ku noqotay la kulankiisa, wuxuuna midkiiba qaataa lacag mushaar ah oo gaareysa 5000 dollar.