Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xilkii ergaynimo kala noqday Xildhibaan Cabdirishiid Maxamed Nuur Jilley.
Xildhibaanka oo ahaa Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha ee Arrimaha Caafimaadka iyo Nafaqada ayaa xilkaas loo magacaabay bishii April, balse waxaa la sheegay inuusan ku shaqeyn oo ay isku dhaceen Wasaarada Caafimaadka.
Xil ka qaadista ergeyga ahna xildhibaan ka tirsann Golaha Shacabka ayaa ka dambeysay markii uu ka dhex muuqday koox xildhibaanno ah oo taageeray dowladda Itoobiya iyo bannaanbaxtyadii lagu taageeray ee ka dhacay magaalada Xudur.
Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha uu ku booriyay dhammaan muwaadiniinta iyo masuuliyiinta dalka inay u istaagaan waajibka kaga aaddan difaaca Qaranka maaddaama dalkeennu iyo dadkiisuba ay wajahayaan halis jiritaan oo uga imaanaysa dibadda taas oo liddi ku ah gobannimada, wadajirka iyo midnimada Qaranka Soomaaliyeed.