Madaxwyne Xasan Sheekh ayaa wareegto uu soo xilalkii uga qaaday taliye ku xigeenka ciidamda xoogga dalka iyo taliyihii ciidamada Dhulka.
Waxaa sidoo kale Madaxweynuhu magacaabay saraakiishii y bedeli lahayd oo loo kala magacaabay Sarreeyey Guuto Maadeey Nuureey Sheekh Ufurow inuu noqdo ku xigeenka Ciidamada xoogga dalka
Madaxweynah ayaa isna Gaashaanle sare u dallacsiiyey Dayax Cabdi Cabdulle, una magacaabay Taliyaha ciidanka lugta. Gaashanale Sare Dayax ayaa beddelaya Sarreeye Guuto Axmed Aadan Cali oo xilkaasi loo magacaabay bishii Juun ee sannadkan.
Iseddelladan ayaa imanaya iyadoo ciidamada dawladda ay sii wadaan guufka ka dhanka ah al-Shabaab, iyadoo saacadihii ugu dambeeyey qabsaday magaalada Camaara.
Dhinaca kale, waxaa is beddelku imanayaa iyadoo bishii hore ciidamada dalwadda ay dib uga soo guirteen degaannada ay horey u qabsadeen kaidb weerarkii al-Shabaab ku qaadday saldhigga ciidanka ee Cawsweyne.