Tuesday, February 18, 2025

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xil ku Cusub Dalka u magacaabay Max’ed Cabdi Waare

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xil cusub u magacaabay madaxweynihii hore ee Hirshabeele Maxamed Cabdi Waare.

Xilka Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka ee goobaha dagaallada ayaa loo magacaabay Maxamed Cabdi Waare oo dhowaanahan si weynu taageersanaa.

Qoraalka Madaxtooyada kasoo baxay ayaa lagu sheegay in mudnaan l siinayo qorshaha xakameynta qasaaraha rayidka si aysan waxyeello uga soo gaarin dadka shacabka ah ee ku sugan goobaha ay ka socdaan howlgallada dalka looga sifeynayo argagixisada Al shabaab.

Ad

Waxaa Qeybaha kala duwan ee talisyada ciidamada Qalabka Sida lagu adkeeyey in ay si dhow ula shaqeeyaan ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka.

Shaqada Ergayga gaarka ah ee Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka Maxamed Cabdi Waare ayaa lagu sheegay xaqiijinta sidii looga fogaan lahaa dhibaato soo gaarta dadka Soomaaliyeed xilliyada dagaallada.

Ma cadda sida uu ergayga cusub ee xilkan cusub loo magacaabay u howlgeli doono iyo inuu ciidamada dowladda la shaqeyn doono isagoo rayid ah.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON